Hadalo da,awayn oo murti ah.

 


Hadalo da,awayn oo murti ah.

 

 

Waxaad fahmi kartaa hadaad indheer garad tahay.

Tijaabi maskaxdaada Hadalka sidiisaba siday diintuba inoo sheegtay waxaa ugu wanaagsan kiisa yar waxna kutusa.Waxaa jira kalmado dhaxal gal ah oo aan ku koobnayn waqti gaara iyo cid gooni ah , afgaaraa,

umad gaara, kuwaasoo isaga talaaba qaaradaha oo dhan, isga gudba qarniyada jiilba jiil usii wariyo iyaduu laisusii marinayo laynanka qoraalada.

Waa xikmado laga tilmaan qaato micnaha ay xanbaarsayihiin ., macadantan aan duugoobaynin ayaa ah midhaha waayaha laga goosto iyo cashirada laga bartay nolosha , Waa mid Iftiina u ah mugdiga nolosha dadkuna kaga gudbaan , aduunyadan dhaxdinta ahna kaga marti galaan.

Ila daawo odhaahyadan oo maskaxdaadu inay fahanto murtida ay xanbaarsanyihiin isku day waxaan hubaa hadaad waxgarad tahay aragti dheer inaad midho kalabixi doonto. Hadii kale na waxaa d ogaata inanu ciqligaagu qaangaadh ahay iskana daaro heesaha raabka ah. Oo ciiyaalka

geemka iskala ciyaar.

 

  • ·         Libaax nin ganay iyo nin galaday ma mooga.
  • ·         Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay.
  • ·         Mukulaal minankeeda joogta miciya libaax bay leeda- hay.
  • ·         Habar roob hayaa habar walba in roob hayey moodaa
  • ·         Meel madaxa ka sareysaa oo la salaaxaa ma jirto.
  • ·         Hadal badan hilmaan buu leeyahay.
  • ·         Tala nin kuma filna labana ku heshiin weydey.
  • ·         Sidaa dooneysa haddaad weydo sidaa ka badinweyso baa la yeelaa.
  • ·         Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa.
  • ·         Hadal waa murti iyo yoon yoon.
  • ·         Nin iyo jiilaal way legdemaan.
  • ·         Quud aan jirin qoryo u guro.
  • ·         Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho. Laabi laba ula'.
  • ·         Xaajo nin aan ogeyn indhuhuu ka ridaa.
  • ·         Xaajo dibna la qabto bay leedahay ee daba la qab[1]

 

 



[1] Xuseen'Maax, C. N. (2015). Murti iyo maahmaahyo tiroley ah.