Hibo maxamed hodoon (hibo nuura)


 Hibo maxamed hodoon (hibo nuura)


 Maxaad ka taqaana 67jirta fanka ku soo biirtay  iyadoo oo aan qaangaarin  

Maxay ahayd sababtii ay ugu baxday Hibo-Nuura ? 

   Magaceeda oo dhamaystiran waa

  Hibo maxamed hodoon ( hibo-nuura)

Waa fanaanad weyn oo ku heesta   afsoomaliga taasi oo leh suugaan iyo  heeso aad badan  oo ah ,wadani, jacayl, goobaabo, calaacal , talo-siin, toosin ,iyo suugaan , tiro beel ah .


21/march/1958 ayay ku dhalatay magaalada Boorama xarunta  gobolka awdal

Waxaanayna iyada da'yasoo gashay fanka somaalida (Hibo-Nuura) 

waxa ay fanka ka soo gashay magaalada Hargeisa sanadkii 1970kii oo ay ahayd fanaanad heesta

Waa fanaanad heesa ah laxa-mayste  dumar ah iyo jilaala hawl kar ah.


Hibo-Nuura waxaa loogu bixiyey ( wanaag dartii iyo hanaan wanaageeda , Asturnaanta ) 

Waa fanaanad akteerad ah oo ruwaayado farabadan jiliilinkeeda aad loo jecelaa. 

 Ruwaayadihii ay jilaalaga ay ka ahayd 

Waxaa ka mid ah: 

1- ruwaayadii shabeel naagood.  

2-yaxaas dhago dub.

3-ninkii hadibo taliyo adiga u halis ah.

4-dunidu maskax ayay magan u tahay.


Hooyada fanka soomaaliyeed hibo maxamed hodoon (hibo-Nuura) wàa xidigtii fanka somaalida sida tooshka u iftiimisay .


Hormuudkii iyo hagihii dhaqanka suuban soomaalida ayku lahayd ayaa ah waxaan marna la iloobi doonin 

Dhalinyaro farabadan ayaa hada ku dayda dhaqankeedii faneed iyo asturnideedii 


Hibo maxamed hodoon waxaa la soo gaadhay wakhtigii looga mahadnaqi lahaa dhirigalintii shacabka somaalida meel ay joogaanba . 


Bilaha soo socda iyo sanadada inagu soo fool leh waxaan isku hawli doonaa inaan taariikhda faca-wayn ee ay leedahay soo ururino 


Kuna soo koobi doono taariikhdeeda oo dhamaystiran Buug qoraalkiisu socodo. Lagu magacaabo

 ( xidigtii fanka somaalida) oo lagu bandhigi doono gayiga somaalidu degto iyo caalamkaba.

Waayaheeda faneed iyo nololeedba .


              Xidigtii  fanka somaalida 

        Hibo maxamed hodoon (hibo-Nuura)


Qor: Cabdiraxmaan Axmed Nuur