Hitler iyo sheega shadiisii in quráanka lagu xusay .. isku daygii ugu layaabka badnaa ee jarmalka!!


Hitler iyo sheega shadiisii in quráanka lagu xusay .. isku daygii ugu layaabka badnaa ee jarmalka!!


Inkasta oo u ahaa hogaamiyihii jarmalka ee gacanta kululaa mid looga bartay dhaqamo layaab leh, islamarkaana midiba midka kale ka sii darantahay, hadana waxaa lama filaan noqotay iyo mar la arag in magaciisa laga dhax goobo, diin aanu aaminsanaynba, u jeedadiisuna ahay oo kaliya sidii uu usoo jiidan lahaa haystayaasha rumaysan diintaas.



Maanta qormadeenu waxay kusaabsantahay arin layaab leh oo uu ku kacay hogaamiyihii ka talin jiray dalkaas jarmalka intii u dhaxaysay 1933 ilaa 1945 , kaas oo dagaalo badan la galay dalka reer galbeedka.



Sanadkii 1943-dii haynerj homler oo ahaa taliyihii xooga nabadsugida qaaska ah ee hitler ayaa ku amray, gudoomiyaha koobaad ee xafiiska nabad sugida oo la odhan jiray, irnis kaltin inuu baadhis qota dheer ku sameeyo kitaabka quraanka kariimka , si uu oga soo dhax saaro aayado la duwi karo macnahooda iyo ola jeedkooda kuwaas oo lagu fasiri karo inay kasii hadlayeen Adolf Hitler, si loo marin habaabiyo dadka muslimiinta ah islamarkaana oga helaan taageero. Ayadoo la dhahaayo illeen ilaahay ayaa noo sii sheegay bari hore!!


Waxay iskubdayeen inay u sawiraan dadka muslimiinta ah inuu hitler yahay shinbir alle usoo diray dunada, sibuu ula dagaalamo dadka shar wadayaasha ah, smadana laga soo xushay.


Wxaase intaasoo dhan kasii daran oo yaab iyo amakaak ah, inay ku tilmaamaan inuu yahay wakiilkii nabi maxamad islamarkaana loo xilsaaray inuu qaado masuuliyadii risaaladii loo soo dhiibay nabiga (salalaahu calayhi wasalam).


Hase yeeshe baadhis waqti dheer qaadatay ka dib, way waayeen aayad ama suurad macneheeda lagu fasiri karo inay ka hadlayso ama lala xidhiidhin karo hitler. Wuxuuse u cadeeyay irnis taliyihiisa in laga heli karo kutubta axaadiista qaar lagu macnayn karo ujeedadooda. Ugu danbayntiina waxay isla qaateen in baxaadiista qaarkood siiba kuwa ka hadlaya saban aakhirka lagu fasiro in loola jeeday hitler badbaadiyaha umada. Yahayna ciisaha dili doona dajaalka.


Waxay isku dayeen in ay moodsiiyaan dadka dadka muslimiinta ah hitler inuu yahay nabi ciise oo la sheegay inuu soo dagi doono aakhir sabanka, kadibna dili doono dajaalka.


Waxaa boro bagaandadaas laga daabacay, hal milyan oo nuqul (nuskho) waxaana loo qaybiyay dal waynaha carbeed. Fariintan ayaa u qorayd sida tan:

"Carabeey! Miyanaad ogayn in dajaal soo baxay? Miyaynaad kasayn qaabkiisa/samayskiisa inuu yahay nin buuran oo tima adag?

Waa qudha yahuudigii la idiin sheegay inii caalamka oo dhan qiyaamayn doono, uu xukumi doono isla markaana xadi doono dhulka carbeed.

War hooy carabeey! Ma garanaysaan gacan-yaraha eebbe? (Waxay ipa jeedaan hitler) dhab ahaantii uu soo baxay,wuxuuna bilaabay inuu la dagaalamo dajaalka iyo xulafadiisa, wuuna dili doonaa dajaalka sida ku qoran kutubtiina,wuxuu burburin doonaa goobaha uu qabsaday, wuxuuna naarta ku guri xulafadiisa"


Taasona waxay ay nuqul ka mida qoraalkii uu faafiyay hogaamiyihii naaziga ahaa ee ka talin jiray dalka jarmalka qarnigii tagay.