Sheekooyin xayawaanka ku saabsan


Sheekooyin xayawaanka ku saabsan

 

LIBAAX IYO DACWACO 

Libaaxbaa dugaag oo dhan midba mar u yertey goor ji- laal ah, kii u yimaadaba waa cunaa, markaas buu wuxuu u yee- ray dawaco oo ugu dambeysay bahal loo yeero, markey u timid bey istaagtey godka iridiisa markaas buu yiri libaaxii naa soo gal, maxaan soo galaa raad sii socda mooye, raad soo socda ma leh. Sheekadii halkaas ha inoo joogto.[1]

 
 
WAN IYO DHURWAA 

Dhurwaa baa arkay wan dooxo cidla ah jooga markaas buu wuxuu yiri dhurwaagii waryaa kula joogay markaas buu yiri qofna wuxuu yiri feeraha ayaan la'ahayey mana qosli kare ee runta miyaa, markaas buu wuxuu yiri wankii waa runtay 

oo kaligey baan ahay markaas baa dhurwaagii qosol la dhacay intuu qoslayey dhurwaagii ayaa wankii cararay sheekadii hal- kaas ha inoo joogto.[2]

 

 

LABA DAMEER OO FAKADAY 

Laba dameer oo ah walaalo baa reer raranjireen labaadii dameer baa tashaday mid baa wuxuu yiri war gumeysigaan ee reerkaan sideebaan uga baxnaa kii kalaa wuxuu yiri markii caawa la gaaro aan fakanno oo baadiyaha aadno kii kale wuxuu yiri waa yahay, markii cawadii lagaaray bay fakadeen oo duur- ka aadeen markey muddo joogeen duurkii baa jiilaal ku kacay markaas baa midkood wuxuu yiri war jiilaal baa nagu kacaye, reerkii baan aadayaa ee adigu ma iraaceysaa, wuxuu yiri ku- ma raaci karo oo Ilaahay baa jiilaalkaan iga saari kara reerkii gumeysigiisii iyo rarashadiisii baa iiga daran, markaas baa meeshaas lagu kala tegey labadii dameer ee walaalaha ahaa mid reerkii buu u noqday midna baadiyaha ayuu ku haray, kii soo noqday baa reerkii yimid ninkii raranjiray baa arkay mar- kaas baa wuxuu yiri war xaggee aaddeen kii kalese aaway, wuxuu yiri dameerkii baadiye baan aaday markaan baahana- na anigu soo noqday kii kalana waa iga haray, markaas baa wuxuu yiri war i soo tus, markaas baa laraa diyey dameerkii kale waxaa loo tegey dameerkii oo roob u da’ay oo cayilay oo geeso dhaadheer yeeshay markaas baa laga soo cararay biciid- ka maanta duurka jooga waa dameerka fakaday, oo gumeysi- ga diiday, dameerka dadku rartana maantay waa dameerkii gu- meysiga u soo laabtay halkaas hanoo joogto.[3]

 

 

DIIN DHAANSHEY 

Diin baa wuxuu yiri anigaa reerka u dhaaminaya beriga ee ratiga ii soo rara markaas baa loo soo raray ratigii oo loo dhii- bay hogaankiisii markaas buu kaxeeyey seddex beri haddu sii maqnaa baa sharqantiisii la maqlay markaas baa la yiri alleyle- he Diin waa keenay dhaankii markaas buu wuxuu yiri war waa anigoo sii socdee ha igu cayaarrina, halkaas hanoo joogto. [4]

 

 



[1] Yaaquub, X. (1974). Adduunyo waa sheeko iyo shaahid.

[2] Yaaquub, X. (1974). Adduunyo waa sheeko iyo shaahid.

[3] Yaaquub, X. (1974). Adduunyo waa sheeko iyo shaahid.

[4] Yaaquub, X. (1974). Adduunyo waa sheeko iyo shaahid.