Soonka bisha Ramadaan fadligiisa


Soonka bisha Ramadaan fadligiisa


Gogol-dhig

Ku dhawaad laba bilyan ayaa tiigsada, iyagoo sugi la'a bilashada bishan barakaysan. Waxaana lagu soo dhaweeyaa dabaal dag balaadhan, farxad iyo rayn rayn ayaana lagu qaabilaa. Waa astaan muujinaysa midnimada iyo isu damqashada dadwaynaha islaameed. Soonku waa tiirka sadexaad ee islaamka, islamarkaana waxaan ku faranahay quraanka kariimka ah, waxaana ka mid ah ayaadaha lagu faray muslimiinta ayadan:


 (كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم...)

"Waxaa la idunku waajibiyay soonka sidii loogu waajib yeelay kuwii idinka horreeyay".


Horta waa bishee ramadaan


Rababadaan amaba bisha soon, waa bisha sagaalaad ee bilaha carabiga ah. Bishaan waxaa ku wajib ah qof walba oo muslim ah inuu af xidh niyoodo, kana soomo biyo iyo baadba dharaaraha ay ka koobantahay bishani.

Waa bishii alle ku tilmaamay in la soo dajiyay quraanka.


قال تعالى: { شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنْزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدىً لِلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ

فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَنْ كَانَ مَرِيضاً أَوْ عَلَى 

سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ}.

(Bisha ramadaan waa bishii la soo dajiyay quraanka kaas oo hanuun u ah dadka, iyo cadaynta hanuunka iyo furqaan, qofkii idinka mid ah ee bishan xaadira ha soomo, cidii idinka mid ah ee xanuunsanaya  ama safar ku jirta....)



Ramadaan waa bisha wanaagga iyo barakada, sidoo kale waa bisha naxariista iyo danbi dhaafka, waa bil cibaadado uu Ilaahay naftiisa u gaar yeelay, taas oo soomanayaasha farxad u ah.


bishan waa inaad ugu dhawaato Ilaahay, ood waydiisatid cafiska iyo naxariista bishan uu ku gaar yeelay, bishan waxay muslimiintu ka dhax goobaan habeenka laylatul qadriga, maadaama abaalmarinta habeenkaas ku jirta ay u dhiganto ajarka

Cibaadada kun habeen.


Waxaad ka heli kartaa faahfaahinta bisha Ramadaan mawduucan, oo aan ku xusi doonaa dhowr qodob oo qayb ka ah sharraxaadda fadaa'isha bishan، Qayb walbana waxay leedahay sharraxaaddeeda oo ay ka mid tahay soonka iyo ujeeddadiisa.


Qeexida Ramadaanka

Qeexida bisha barakeysan ee Ramadaan hadaan si fudud u iftiimino.

  • Waa bisha sagaalaad ee sanadka Hijriga.

  • Waa bishii uu ku soo dagay waxyigu markii ugu horreysay sayidkeenna suuban ee Muxammad (naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee).

  • Waa Bishii lagu tartami jiray cibaadooyinka dhammaan sida:

  •  ( soonka, Salaadda  sadaqada, Zakada, dikriga Akhriska Qur'aanka)

  • Waxaa lagu dhaafaa dembiyada oo dhan iyo khaladaadkii horay kaaga dhacay haddii aad hagaajiso acmaasha iyo cibaadada.


  • Micnaha soonka waa in laga fogaado cuntada iyo cabitaanka iyo dhammaan waxyaabaha buriya soonka laga bilaabo waaberiga ilaa maqribka laga gaadho.


  • Soonka waxaa lagu waajib yeelay qof kasta oo qaan gaadh ah, caaqil ah, Muslim ah oo caafimaad qaba.


  • Bisha ramadaan qaybta koowaad waa naxariis, dhexda waa cafis, qaybta ugu dambeeysana waxaa lagaga xorooba naarta.



Goorma ayaa la waajibiya soonka Ramadaan?



Waxaa la ogsoon yahay in nalagu faral yeelay hadaan muslimiin nahay inaan soomno bisha barakeysan ee Ramadaan bishii Shaaban intii lagu jiray sanadkii labaad ee hijrada Rasuulka (salalaahu calayhi wasalam),  wuxuu soomay  9 Ramadaan oo buuxa ka hor intuusan hoyan.


Intii lagu jiray sanadkii kow iyo tobnaad ee hijrada, halkaas oo soonka bisha Ramadaan loo tixgeliyo mid ka mid ah xilliyada uu Ilaahay (sibxaanahu wa tacaalaa) iyo Rasuulkiisa sharafta leh ku xuseen qaranka, maadaama ay tahay mid ka mid ah shanta tiir ee diinta Islaamka، Tani waa sababta ay u yeelatay mudnaantaa weyn iyo fadliga aan lasoo koobi karin, sida darteedna dadka muslimiinta ah camalka wanaagsan ay u tarmaan, waxayna ku dardar geliyaan meel kasta oo ay ku noolyihiin acmaasha wanaagsan iyo cibaadada.


Fadliga bisha Ramadaan

Fadliga bisha Ramadaan waxay ku xusantahay quraanka iyo sunnada, waxaana ku soo arooray axaadiis badan oo ka hadlaysa ahamiyada ay umadda u leedahay.



Abi Herra: in Nabiga - Ilaahay (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri

markii ay soo gashay bisha Ramadaan: 


“ Bil barakeysan ayaa idiin timid, waxaa la idinku faral yeelay inaad soontaan, Albaabada Jannada waa la furaa, irdaha cadaabta waa la xidhaa, shayaadiintana waa la xiraa, waxaa ku jira habeen ka khayr badan kun bilood, ruuxii la seejiyo khayrkeeda waa qaday ”.


"عن أبي هريرة: أن النبي -صلى الله عليه وسلم- قال لما حضر رمضان: “قد جاءكم شهر مبارك، افترض عليكم صيامه، تفتح فيه أبواب الجنة، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل فيه الشياطين، فيه ليلة خير من ألف شهر، من حرم خيرها فقد حرم".

Soonka bisha Ramadaan waxaa la waajibiyay sanadkii labaad ee hijrada, Rasuulkuna, (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) sagaal Ramadaan ayuu dhamaystay, sida uu tilmaamayo imaamka wayn ee  imaam nawawi.


"قال النووي رحمه الله :صام رسول الله ﷺ رمضان تسع سنين ، لأنه فرض في شعبان في السنة الثانية من الهجرة"

"Al-Nawawi, (Ilaahay ha u naxariistee)  wuxuu yidhi: wuxuu soomay, Rasuulkii Ilaahay, (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) Ramadaan, sagaal sano, maxaa yeelay waxaa lagu soo waajib yeelay bisha Shacbaan sanadkii labaad ee hijridii

Nabiga, (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) wuxuuna hoyday bishii rabiicul awal ee sanadkii kow iyo tobnaad hijrada."


Shuruuda soonka

 

Shuruuda soonka hadaan si duu duub ah u dul maro waxaa weeyaan:

  1. Islaamnimo

  2. Qaangaadh

  3. Caqli

  4. Awoodis

  5. Nagi ahaansho

  6. Dahaaro qab(inaanay haweenaydu dhiig lahayn)

  7. Caafimaad qab


Rukhsada soonka


Waxaa jira qaybo dadka ka mid ah uu Ilaahay xalaaleeyay inay afuraan bishan Ramadaan, sida: ( Haweenka uurka leh, Bukaanka, musaafirka, haweenka ku jira Xilliga caadada).

Laakiin shaqsigu waa inuu badalkeeda maalmo kale qaleeyaa, ama quudiyaa masaakiinta.


Gunaanadka iyo gaba-badii


Gabagabadii, waxaan is xasuusinaynaa baahida loo qabo in laga guuro xanta, ku tidhi kuteenta, maxaa yeelay, waa shaqada Shaydaanka, waxaan Ilaahy ka baryayaa inuu ina gaadhsiiyo Ramadaano badan inoogana faaideeyo, si aynaan u khasaarin ama lumin , waxan ka baryayaa inuu ina siiyo barakada ku jirta maalmaha Ramadaanka oo uu naga dhigo intuu u naxariisto, u danbi dhaafo uu qoortooda ka xoreeyo naarta, oo na toosiyo ragg iyo dumar, dhalinyaro iyo waayeelba, dhamaan muslimiintana uu siiyo wax kasta oo ay jecelyihiin.