fahanka nolosha


Kala duwanaan shuhu maaha is khilaaaftan


Waxa  ugu badanee ka qayb qaatay dhibaatada ina haysata ee  curyaamisay horumarkeena waa inaa inagu waxa ugu yar kala duwanaanshaha oo ah inaan magacyada uun ku kala duwanahay, gundhig oga dhigno colaad saymeheedu aanay soo afjarmin, halka dadka kale iyagoo ku kala duwan waxwalba oon bini aadamnimada ka ahay haday tahay diin, dhaqan, midab, dhalasho, luqad, midnaba wadaagin go`ansaday inay nolosha wadaagaan, taasoo kadhalatay waaya aragtinimada dheer ee aadamuhu uleeyahay hanaanka nolosha isagoo kafaaidaysanaya wayaaragtinimida uu soo kala dhaxlayay iyo waxay kabarteen soo yaalka nolosha, taasoo cadaynaysa inaan midna midka kale kamaarmi karin midina midka kale nolosha ka hor istaagi karin, magaciisana kati karin jiritaanka,
Wada noolaanshuhuna yahay xalka kali ah ee nolol dagan oo saafi ah lagu gaadhi karo.


Dunidan oo hin baad kusoo gashay
Qofwalba oo inaga mid ah noloshiisu oohin ayay kubilaabatay qosol iyo farxadna waa lagu qaabilay iyada ooy gacma faraxsani ukala badinayaan tabashadiisa, oo soo dhawaynaya kaainkan cusub ee usoo biiray, halka uu isagu dareemayo cabsi argagax , isagoo kasasan caalamkan cusubee uu usoo baxay iyo kasoo saarida lagasoo saaray godkiisii ugoonida ahaa ee uuku jiray, kadibna waxay dantu qasbi inuu noloshon laqabsado, isagoo talaabada koowaad dhabta hooyada, ilaa uu markale aamusni dunidan aamusnaan kaga baxo isagoo baroor lagu sagootinayo iyo murug aan lasoo koobi karin.  

Hadaba labadaa marxaladood ee adadag  ayuu qof waliba kudhugaa taariikhdiisa baalka nolosha, magaciisana kamuujiyaa goodkeeda, kora uqaadaa, inta uu jiidho waxa ay noloshu leedahay caqabad turunturo ku hakisa, duruufo habsaamiya, caqabaaad hor istaaga dareen hantaaaqa, xanan jidhkiisa sariigta, jiiro iyo dalcadaba si uu u gaadho dhalada ugu saraysa, u nolosha baarkeeda ku istaago waxwalbaba ha kuqaadatee, kadibna noqda hormuud ay majiirtaan , ku daydaan inta gadaashii timaadaa, dhiirigalin iyo guubaabana kaqaataan taariikhdiisi. Kaasi waa ninkaa talaabawalbuu qaaday kadhigay cashir dhaxalgal ah, noloshana kaga tagay raad aan la tiri karin , marwalbana lagusoo xuso gooba lagaga hadlo nolosha horumarinteeda.
-kuna waa mid nolosha qori uu kaqaado mooyee aan waligii quri saarin, waxay noloshu kasugaysayna gabay, magiciisiina ku dhax tuuray gudaafada, kadibna lala aasay lafihiiisa.
Hadaba waa inaan dareenaa inaan dheeldheel lainoo abuurin ee dan wayn laga lahaa uumideena.