Astaamo lagu kala sooco saraawiisha ragga iyo dumarka | sir culus

 

Astaamo lagu kala sooco saraawiisha ragga iyo dumarka | sir culus


Ma laga yaabaa wiilow inaad xirantahay surwaal ama shaadh samayskiisii hore loogu tala galay gabadh, adiguna aad u xirantahay in loogu talagalay ragga. Maantaan kashifaynaa siro badan oo lagu kala sooco inuu yahay maro ragga qaas u ah iyo inuu yahay maro dumarka qaas u ah, adoo ka tix racaaya calaamado qarsoon oo aan ruuxa caadiga ahi ogaan karin.



Waxaa dhacda mararka qaar inaad kala sooci waydo dharka qaar kuwaas oo nooc ahaan ay wadaagaan labada jinsi ee raaga iyo dumarkuba siiba saraawiisha iyo shaatiyada, khaasatan marka ay cabir ahaan isku dhawyihiin. Waxaana dhacda marar badan in dadka qaar ay soo iibsadaan surwaal haweenka u gaar ah iyagoo u qaba inuu yahay kii ragga loogu tala galay, ama sida badlkeed ay dhacdo.


Hadaba maanta waxaan qormadan qalinka ugu qaatay inaan kuu sheego siro badan oo ku qarsoon laalaabyada dharka oo ay ku kala duwan yihiin dharka ragga u qaaska ah iyo kuwa dumarka u qaaska ah.


Astasmahan yaa lagu kala gartaa saraawiisha ragga iyo kuwa dumarka haday isku ikaadaan.


Badhanka iyo siibada

Baldhana shaatigu waxay xanbaarsanyihiin siro qarsoon oo xanbaarsan fariimo culus, waxaana suura gal ah inay ku siiyaan war bixin dhamaystiran oo kusaabsan reerkii iska lahaa maradan, ma ninbaa mise waa naag, mise waaba waryaa naayaaa!

Waa kuwan calaamadaha lagu kala garto:


• Hadii uu shaatigu badhanada ku leeyahay dhanka bidixda halka dalooladuna ay ku yaalaan dhanka midig, waa astaan tilmaamaysa inay maradu tahay xoolo xaawo ee lasoco.


•  Hadii uu shaatigu dhanka midig ku leeyahay jeebka oo aanu ku lahay bidix isna waa hugii xaawee iska jir.


•  Hadii surwaalka baldhanku kaga yaalo bidixda, siibaduna u jeedo bidix waa surwaal u gaar ah dumarka ee ka digtoonow.


•  Sidaa wixii kasoo horjeedkeeda u samaysana waa xoolo rag ee waad xiran kartaa.


Xogtan waxaan walaalahay ugu soo gudbinyaa siiba ragga maadaama aanay dumarkeenu xiran saraawiisha inay ka digtoonaadaan in loo qariyo dhar loo toloy dumar, taasina ay u horseedo inay ku sigtaan kuwii diintu habaartay ee ahaa ragga dumarka isku ekaysiiya iyo dhmarka ragga isku ekaysiiya. Wa billahi tawfiiq!