Barakada bisha dul xijja iyo fadligeeda

 


Barakada bisha dul xijja iyo fadligeeda


Bishan aan ku dhax jirno ee du-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee xurmada u leh. 


Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood, 

Wuxuuna yiri :

                   (والفجر وليال عشر)

Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم  wuxuu yiri ma jiro maalmo uu ilaahey ilaahey ka jecel yahay acmaal la sameeyo tobanka maalmood ee ugu horeysa bisha Dul-Hijjah. 


Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso bisha Dul-Hijjah.


1) Maalinta 1aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.


2) Maalinta 2aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi yoonis CS isla markaasna laha soo bixiyey calooshsha malaayga, qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudaayey ilaahey oo aan ilBiriqsi ku caasin.


3) maalinta 3aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducadii Nabi zakariya CS, qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.


4) maalinta 4aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi ciise CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka dheeraanayaa Quusitaan iyo Faqri.


5)Maalintii 5aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa cadaabta Qabriga 


6) Maalinta 6aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada kheyrka , Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa  il naxariis leh.


7)Maalinta 7aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato Tobanka maalin ee bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.


8) Maalinta 8aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinaayaa ajir uusan ogeyn ilaahey mooyee.


9) Maalinta 9aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la istaagaayo Banka carafa,Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii hore iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qu'aanka ee ( الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا)

10) Maalinta 10aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta ciidul adxaa, qofkii Alle qurbaan ugu dhawaadana

 wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.


Fadliga wayn ay leedahay bisha Dul-Hijjah 


              قَالَ رَسُولُ اللَّهِ : " مَا مِنْ أَيَّامٍ الْعَمَلُ الصَّالِحُ فِيهَا أَحَبُّ إِلَى اللَّهِ عَزَّ وَجَلَّ مِنْ هَذِهِ الْأَيَّامِ ". يَعْنِي أَيَّامَ الْعَشْرِ، 

Wuxuu yiri Rasuulka Allah : "Majirto maalmo camalka wanaagsan ee laqabto dhexdooda looga jacayl-badanyahay maalmahaan Allaah عزّ وجلّ agtiisa maalmahani" waa maalmaha 10kaa ee Dul-xijja


قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَلَا الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ؟ 

Waxay dheheen: rasuusuulkii allaw xataa jihaadka jidka Allaah (macamalka maalmahan baa Allaah kajecelyahay)?


قَالَ : " وَلَا الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ، إِلَّا رَجُلٌ خَرَجَ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ، ثُمَّ لَمْ يَرْجِعْ مِنْ ذَلِكَ بِشَيْءٍ ".

Wuxuu yiri: "Xataa jihaadka jidka Allaah (camalka maalmahan baa Allaah kajecelyahay) nin mooyee nafsadiisa iyo maalkiisa jihaadka ulabaxay waxna aan kalasoonoqon".



 قَالَ رسول الله : " مَا مِنْ أَيَّامٍ أَعْظَمُ عِنْدَ اللَّهِ، وَلَا أَحَبُّ إِلَيْهِ مِنَ الْعَمَلِ فِيهِنَّ مِنْ هَذِهِ الْأَيَّامِ الْعَشْرِ ". 

Wuxuu yiri Rasuulka Allah : "Majirto maalmo kawaynanbadan Allaah agtiisa, loogana jacayl-badanyahay xagiisa camalka laqabto dhexdooda, maalmahan 10ka ah".


 قال أنس بن مالك رضي الله عنه : كان يقال في أيام العشر بكل يوم ألف، ويوم عرفة عشرة آلاف يوم. يعني في الفضل.

Wuxuu yiri Anas bin Maalin Allaha karaalinoqdee: Maalmaha 10kaa maalinwalba way udhigantaa kun maalmood, maalinka carafana waxay udhiganataa 10kun oo maalmood. Waa xaga fadliga iyo dheeraadkee.


[رواه البيهقي في شعب الإيمان]


 قال أبو عثمان النهدي: كانوا يعظمون ثلاث عشرات؛ 

Wuxuu yiri Abu Cuthmaa Alnahdiyi : Waxay waynayn jireen (Saxaabadii iyo Taabiciintii) sadex tobnaad;

العشر الأول من المحرم،

10ka uhoraysa bisha Muxarram, 

والعشر الأول من ذي الحجة،

10ka uhoraysa bisha Dul-Xijja, iyo 

والعشر الأواخر من رمضان.

10ka udanbaysa bisha Ramadaan.





       

 Camalada wanaagsan ee 10ka Dul-Xijja


 قال رسول الله " أَكْثِرُوا فِيهِنَّ مِنَ التَّهْلِيلِ، وَالتَّكْبِيرِ، وَالتَّحْمِيدِ ". 

Wuxuu yiri Rasuulka Allah : "Waxaad badisaan maalmahaas dhexdoo ashaadada ( لا إله إلا الله ) , takbiirta ( الله أكبر ) , iyo taxmiida ( الحمد لله )".


 قال عبد الله بن عباس { وَاذْكُرُوا اللَّهَ فِي أَيَّامٍ مَعْلُومَاتٍ } : أيام العشر،  

Wuxuu yiri Cabdullahi bin Cabaas { Xusa Allaah maalmo lagaranayo } : waa maalmaha 10ka Dul-Xijja

والأيام المعدودات: أيام التشريق

Maalmaha tirsama waa : maalmaha Ayaamu Tashriiqa (Maalmaha hilba-waradka)




 كان عبد الله بن عمر وأبو هريرة يخرجان إلى السوق في أيام العشر، ويكبران ويكبر الناس بتكبيرهما

Waxay ahaayeen Cabdullahi bin Cumar iyo Abu Hurayra kuwo suuqa usoobaxa maalmaha 10ka Dul-Xijja, markaasay takbiiranjireen dadkuna way latakbiiranjireen takbiirtooda darteed.




 عن عمر رضي الله عنه أنه كان يستحب قضاء رمضان في عشر ذي الحجة، وقال: وما من أيام أقضي فيهن رمضان أحب إلي منها

Waxaa lasoo-wariyay Cumar bin khadaab Allaha karaalinoqdee inuu jeclaa qalaha ramadaanka (inuu sooqaleeyo) 10ka Dul-Xijja dhexdooda, wuxuuna yiri.


 قال الحر بن الصباح : جاورت مع ابن عمر بمكة في أيام العشر فكان يصومهن.

Wuxuu yiri Alxuru bin Alsabaax : wxaan kuladarsay Cabdullahi bin Cumar Makka maalmaha 10ka Dul-Xijja dhexdooda oo wuu soomi jiray maalmahaas.




قال  الحسن البصري : صيام يوم من العشر يعدل شهرين.

Wuxuu yiri Xasan Albasri : Soonka maalin 10ka kamida waxay udhigantaa laba bilood.

 



  Dadaalkii SAALIXIINTA ee 10ka 


 كان محمد بن سيرين يصوم العشر ، عشر ذي الحجة كله ، فإذا مضى العشر ومضت أيام التشريق ، أفطر تسعة أيام مثل ما صام

Wuxuu ahaa Muxamad bin Siiriin mid sooma 10ka Dul-Xijja, hadii ay dhamaatana oo maalmaha ciiduna gugubto wuxuu afurijiray sagaal maalmood intii uu soomay ookale.



 وكان مجاهد يصوم العشر.

Mujaahidna waa soomi jiray 10ka Dul-Xijja.




 وكان سعيد بن جبير إذا دخل أيام العشر اجتهد اجتهادًا شديدًا حتى ما يكاد يقدر عليه.

Wuxuu ahaa Saciid bin Jubayr haday yimaadaan maalmaha 10ka Dul-Xijja mid kudadaala (cibaada) dadaal aad udaran ilaaba uu awoodiwaayo inuu wax kudaro dadaalkiisa.




 قال سعيد بن جبير : لا تطفئوا سرجكم ليالي العشر، تعجبه العبادة، 

Wuxuu yiri Saciid bin Jubayr : War hadaminina faynuusihiina (layrarkiina) habaynada 10ka Dul-Xijja, Cibaadana ayuu jeclaa (habaynadaas).


ويقول: أيقظوا خدمكم يتسحرون لصوم يوم عرفة

Wuxuu kaloo dhihijiray : Hurdada katoosiya adeegayaashiina hausuxuurtaane soonka maalinta carafo.




 قال الأثرم: أتينا أبا عبدالله - يعني أحمد ابن حنبل - في عشر الأضحى.

Wuxuu yiri Athram : Waxaan unimid Abaa Cabdillaahi - waa Axmad bin Xanbale - 10ka Dul-Xijja dhexdooda.


فقال: قال أبو عوانة: كنا نأتي سعيد الجريري في العشر فيقول: هذه أيام شغل، وللناس حاجات، وابن آدم إلى الملال ما هو.

Markasuu naguyiri: wuxuu yiri Abuu Cawaana: Waxaanu uimaanjirnay Saciid Aljurayriyi 10ka Dul-Xijja dhexdooda markaasuu nagudhihijiray: Maalmahani waa maalmo mashquul (oo waa in cibaado lagu mashquulo) dadku danay leeyihiin, binu-aadamkuna caajis buu udhaw yahay ( ee kaga-faaiidaysata maalmahan camal wanaagsan intaysan dano idin-qabsan ama iinaan jacaajisin camalka wanaagsan)


 قال ميمون بن مهران : أدركت الناس وإنهم ليكبرون في العشر، حتى كنت أشبهه بالأمواج من كثرتها، 

Wuxuu yiri Maymuun bin Mihraan: Waxaan soogaaray dadaka oo takbiirta 10ka Dul-Xijja dhexdooda xataa waxaan kutusaalaynjiray hirarka (takbiirta yeeraysa) tirabadnideeda darteed.


ويقول: إن الناس قد نقصوا في تركهم التكبير

 Wuxuuna dhihijiray : Dadku way nusqaameen katagida takbiirta darteed.


 قال التابعي ثابت البناني :

Wuxuu yiri Taabicigii Thaabit Albunaani

" كَانَ النَّاسُ يُكَبِّرُونَ أَيَّامَ الْعَشْرِ حَتَّى نَهَاهُمُ الْحَجَّاجُ، 

"Dadku way takbiiranjiree maalmaha 10ka Dul-Xijja dhexdooda ilaa uu kareebay Xajaaj,

وَالْأَمْرُ بِمَكَّةَ عَلَى ذَلِكَ إِلَى الْيَوْمِ، يُكَبِّرُ النَّاسُ فِي الْأَسْوَاقِ فِي الْعَشْرِ".

Arinkuna Makka ilaa iyo maanta waa sidaas, Dadku waxay ku takbiirtaasa suuqyada 10ka Dul-Xijja dhexdooda.


Sources