Mataqaanaa salada 4 rukuucood iyo hal ataxiyaad leh


Mataqaanaa salada 4 rukuucood iyo hal ataxiyaad leh?



Slaada ta rukuucood iyo hal ataxiyaad leh, waa salada kusuufka iyo salaada khusuufka. Salaada kusuufka waa salaada la tukado marka ay qoraxdu madoobaato.

Salaada kusuufka loo yaqaan waa salaada la tukado marka dayaxu madoobaado.


Labadan Salaadood ayaa ah sunni la adkeeyay, oo nabiga salalaahu calayhi wasalam ka sugnaatay. Salaadan ayaa ka kooban labo ragcadood, oo leh 4 (afar) rukuucood,  iyo 4 (afar) sujuudood.


Axaadiista ku soo aroortay salaadan


 النبي عليه الصلاة والسلام أخبرنا في حديث أبي مسعود رضي الله عنه: ” إن الشمس والقمر لا ينكسفان لموت أحدٍ من الناس، ولكنهما آيتان من آيات الله، فإذا رأيتموهما فقوموا فصلُّوا”(متفق عليه).

Sida uu abii mascuud kasoo wariyay nabiga (salalaahu calayhi wasalam) "dayaxa iyo cadceeda midkoodna oma madoobaado qof dadka ka mid ah oo dhintay, laakiin waa laba aayaadood oo aayadaha alle ka mid ah, ee markii aad aragtaan kaca oo tukada.


Qaabka loo tukado

Waxaa la aadayaa masjidka kadibna waxaa la galayaa iyada oo aan la aadaamin lana aqiimin, kadibna waxaa lagu galayaa takbiiratu ixraamka, kadibna waxaa la akhriyayaa ducada furfurashada, wuxuu ku xijinayaa faataxada, kadibna wuxuu ku xijinayaa auurad dheer sida al baqara oo kale ragcada koobaad, kadib uu rukuucayaa, dabeed uu rukuucayaa,wuuna ku daahayaa, kadib wuu kasoo istaagayaa rukuucda, wuxuuna bilaabayaa faataxada wuuxuu ku xijinayaa sidii hore suurad dheer, kadibna wuu rukuucaya , kadibna wuu su juudayaa, rakcadda labaadna sidii tii hore ayuu u tukanaaya, sidaasbayna ku noqonaysaa 2 ragcadood 4 rukuuc.


Waa tee salaada afara ataxiyaad leh