Baadari wayn oo soo islaamay


BAADARI HORE Ibrahim Richmond


Ibrahim Richmond wuxuu ahaa Kiristaan, 15 kii sano ee ugu dambeeyeyna wax uu ahaa Baaddari masuul ka ah Kaniisad ku taalla Koonfur Afrika.

Dad 100 kun kor u dhaafaya ayaa ku xidhnaa Kaniisaddii uu masuulka ka ahaa. 


Balse 3 bilood ka hor Richmond wuxuu qaatay Diinta Islaamka ka dib markii uu dhawr jeer riyo ku arkay isaga oo maryo cad cad xidhan oo Xajka jooga. 


Maanta Ibrahin  Richmond  waxa uu ka mid yahay Muslimiinta taagan Buurta Carafa ee gudanaya Waajibaadka Xajka ee sannadkan. 


Sida uu ku sheegay muuqaal uu ku soo duubay dhulka barkaysan qaar ka mida dadkii ku xidhnaa ee Kaniisadda  oo iyaguna soo Islaamay ayaa ku wehelinaya gudashada  waajibaadka tiirka shanaad ee Diinta Islaamka.


Muuqaalka laga duubay ayaa muujinaya Ibraahim oo aad u ilmeynaya farxad darteed, maadaama ILLAAHAY swt uu nasiib u siiyay in uu sannadkan ka mid noqdo Malaayiinta Muslimiinta ah ee soo xajaysa.


xigasho / khaalid foodhaadhi