U imaanshihii malaku jibriin iyo bilowgii waxyiga


Casharkii 6 ee siirada |
ka dib soo imaanshihii malku jibriin iyo bilowgii waxyoga


Nabiga( صل الله عليه وسلم 

Markii uu maluku Jibriil uu uyimid ee uu ku aqryay ayadaha Hore ee suuratul calaq ama iqra wuu sootagay asagoo Argagaxsan wuxuu usoo galay Xaskiisi khadiija, wuxuuna usheegay waaxa uu la soo kulamay.  khaadiija waydajisay oo waxay tiri ilaahay Ku hojin maayo, waxaa tahay qaraabada mid xariiriya, Dulqad Badan, Martidana soora,

Xaqana uhiiliya. khadiija way kaxaysay waxayna ugeesay nin la dhihi jiray waraqa binu asad oo aqoon ulahaa kutubtii Hore .


markay utageen waxaa war Bixiyay Nabiga صل الله عليه وسلم wuxuuna sheegay wxuu arkay  waraqa wuxuu yiri waxaas waa khayrkii waakii ilaahay Nabi muuse عليه السلام uu kusoo dajiyay . waraqe aad buu udajiyay Nabiga صل الله عليه وسلم  wuxuuna usheegay in uu ilaahay doortay, Oo loo soodiri doono umadan.



Intaas kadib Nabiga صل الله عليه وسلم jibriil muuna arag maalmo. Nabiga صل الله عليه وسلم wuu uxiisay nuurkii uu arkay Maqnashaha jibriil way dhibtay oo aad buu umurugooday. Maalin asagoo socdo ayaa wuxuu maqlay cod xaga samada wuu fiiriyay saa waa malagii ugu yimid Qaaru xiraa oo kursi kufadhiya samada iyo dhulka dhaxdooda. Dhulka ayuu kudhacay aragagax DaradiiNabiga صل الله عليه وسلم wuxuu aaday xagii iyo xafadiisi wuxuuna isku duuduubay maro.


Waxaa lagu soo dajiyay 6 ayadood ee ugu horeesa Suuratu mudasir. Waxaana lagu amaray Inuu u u istaago diinta fidinteeda, Rabigiina wayneeyo, Dharkiisana dhahiro,

Waxa xuna uu ka fogaado, Dadka uuna u abaal sheganin, diintana uu ku samro.

Waxaa Halkaas Kabilaabatay Dadka in diinta loogu yeero iyo shaqo aad uculuso oo Dusha uu uritay Nabiga (صل وسلم عليه وسلم ).


         KUSALIYA NABIGA - صل الله عليه وسلم

                              

BY: Sh.deeq cabdi xusen