Hadallada maangaabka !. Caqlibaa kuu kordhi qisadan hadaad akhrido


Hadallada maangaabka !. Caqlibaa kuu kordhi qisadan hadaad akhrido



Macallinka suugaanta Carabiga ayaa weydiiyay arday caqli badanaa : Maxaad sameyn laheyd haddii ay isku kaa hor 

doodaan laba caaqil ? 


Ardaygii wuxuu ku jawaabay, waxaan soo xasuusin lahaa hadalkii Imam Shaafici ee uu ku yiri ardaygiisii Yuunis Alsadafi mar ay is khilaafeen “Yuunisoow, ha dumin buundooyinkii aad dhistay oo aad ka gudubtay, laga yaabaa in aad u baahatid mar kale si aad ugu soo laabatid ”!. 


Macallinki waxuu sii weeydiiyay, “Ka warran haddii ay isku kaa hor murmaan caaqil iyo doqon, maxaad sameeyn laheyd?”Waxa uu ku jawaabay ardaygii, waxaan xasuusin lahaa kan caaqilka ah hadalkii Imaam Shaafici ee ahaa “Haddii uu kula hadlo dabaalka ha u jawaabin, in aad u jawaabtid waxaa ka fiican in aad ka aamustid. 


Haddii aad u jawaabtid waad ka farxisay, haddii aad ka aamustidna waxa aad ku dishay cadho. 


Maangaabka wuxuu iigula hadli hadal doqonnimo ah, markaasaan nacaa in aan u jawaabo, waxuu kororsadaa doqonimo markaasan kororsadaa xikmad iyo dulqaad, sidii cuud ay gubashadu u kordhisay caraf.”


Hadalka Imaam Shaafici waa xikmad wayn oo si maalinle ah u saameynaysa nolosheenna—mid maangaab ah ayaa kugu hor caayaya bulsho horteed, haddii aad la murantid waxa aad la mid noqonaysaa isaga. 


Suureyso adiga oo waddada socda in uu nin waalan ku caayo, dadka hortoodana kugu aflagaadeeyo, oo ku dhaho waa nin waalan…. Ka warran haddii aad dhacdadaas ula dhaqantid in aad ninkii dhahdid “adigaa waalan, wallaahi adigaa waalan”, adigoo murmaya qaylidaaduna ay dhaafsiisan tahay tan ninka waalan ? 


Sow dadka kuma adkaanayso in ay kala 

saaraan kan waalan iyo kan fiyoow ? Sow dadka qaar uma qaadanayaan in labadiinuba aad waalan tihiin ? Xattaa haddii dharkaagu qurxoon yihiin, taasi kama dhigno in aad maskax ahaan u fayoowdahay. 


Waddada ugu fiican ee dadka maangaabka ah hadalladooda looga xijaabto,weerarkooda maalinlaha ahna aad uga gaashaamatid waa in aad ka aamustid. 


Nin xakiim ahaa ayaa waxaa caayay nin kale, markaasaa loo sheegay oo la yiri hebel ayaa ku soo caayayay ee maad u jawaabatid ? Markaa suu ku jawaabay, “iska dhaafa, waa maskiin doonayo inta aan u jawaabo, in uu sidaas taariikhda ku galo”.


References 

Cabdullahi, c. c. (). iftiinka qalinka. p.58- 59.