Ma ogtahay ruxii uguu Horeeyey ee xaramka daga inuu ahaa...?

 

MA OGTAHAY? 


1- Ma ogtahay Qofkii ugu Horeeyey ee Dega Xaramka inuu ahaa Haweeney waana Haajara.


2- Ma ogatahy Qofkii ugu Horeeyey ee Rumeyey Rasuulka CSW, iney aheyd Haweeney waana Khadiijah Bint Khuweylid. 


3- Ma ogtahay Qofkii ugu Horeeyey ee Dhiigiisa islaamka u Daadiyey iney aheyd Haweeney, waana Sumaya (Cammaar Aala Yaaser Hooyadiis).


4- Ma ogtahay in ilaahey soo Dejiyay Suurad dhan taas oo loo gaar yeelay Dumarka, waana Suuratu Nisaa. 


5- Ma ogtahay in Khudbatu Wadaac uu Rasuulku CSW, yiri (Dumarka waxaan idiin Dardaarmayaa Khayr), uuna ku cel celiyay Saddex jeer. 


6- Ma ogtahay in Rasuulka CSW, uu yiri:- Qofkii uu ilaahey siiyay Saddex Hablood, isla markaana Edbiya ee Wanaajiya Edbintooda waxay u noqonayaan kuwo Naarta ka Xoreeyaa.


7- Ma ogtahay jannada Allaah u Balan qaaday Mu'miniinta in la dhigay Lugaha Hooyooyinka Hoostooda.