ku dhawaaqista dacwada iy falcelintii qoreesh


Cashirkii 9 ee siirada | ku dhawaaqista dacwada iy falcelintii qoreesh 

Saan Horay usoo sheeganay Quraysh markay Aragtay Nabiga صل الله عليه وسلم in uu ku adkeestay Fidinta diinta waxay Bilowday Dagaal kadhan ah Nabiga iyo Raacdaba.

Dadkaas waxaa ugu Horeeyay Adeerkii Abuu lahab iyo Xaskiisi umu jamiil Binti Xarbi  waxay soo aruurin jireen Qashinka iyo qodaxda waxayna ku daadin jireen Iridka Nabiga.صل الله عليه وسلم  

abuulahab wuxuu Daba Socon jiray Nabiga markuu Dadaka Diinta ugu yeerayo wuuna caayijiray Buuq ayuu ku furi jiray ilaa uu markii danbe dhagax uu ku gaaracay oo ay dhiigeen Nabiga صل الله عليه وسلم  labadiis Lugood.

Waxaa jiray laba wiil oo abuu lahab uudhay oo qabay labda gabdhood ee uu udhalay Nabiga Ruqayo iyo unu kaltuum.

Abuu lahab wuxuu amaray in ay furaan Gandhaahas asagoo ku xumeenayo Nabiga صل الله عليه وسلم  wayna Fureen labadaa wiil wxaa la dhihi jiray Cutba iyo cuteeba. 


Dadkii Nabiga dhibay way Badnaayeen .

Waxaa kamid ahaa nin la oranjiray Cuqba binu mucaydh .

Ninkan  Nabigoo tukanayo intuu uyimid ayuu qashin iyo madheer Dusha ka saaray  marna wuu ceejiyay Nabiga .صل الله عليه وسلم 

Waxaa kamid ahaa abuu jahal wuxuuna ahaa kuwii ugu daranaa ee kahor yimid Diinta  dhibka uu lakulmay Nabiga Halakan kuma soo koobi karo .

Waxaa sidaas oo kale loo dhibay asxaabtiisa oo lamarsiiyay cadaabka Noocyadiisa kala duwan waxayna ka sii qaadayn geesinimo iyo iimaan.


Kusaliya Nabiga    صل الله عليه وسلم

  By:    Sheikh Deeq cabdi xusen