World cup 2022: wadankii carbeed ee ugu horeeyay ee qabta ciyaraha aduunka

 

World cup 2022 




Dhacdada ugu xiisaha iyo hadal haynta badan islamarkaana ugu caansan aduunka, lehna shacbiyada ugu balaaran kuwaas oo suga xilaga lagu uu dhawaaqayo siidhiga furitaanku, iyagoo ka shintiriya inta udhaxaysa kalka wareeg kasta uu soo galayo si ay u xaadiraad goobta ay kadhacayso fantosiyadoodan ay sugila'aayeen mudada, islamarkaana ay tiigsadeen .


Waxaa lagu bixiyaan malaayiin ama aan dhahee balaayiin dollar qabanqaabada dhacdadan , iyadoo kharashkaas lagu sameeyo dhismaha kaabayaasha qaybahooda kala duwan, goramada oo aad uwaawayn, wadooyinka tareenka qaadaya taageerayaasha, goobaha nasashada, maqaayado kufilandaawadayaasha, hooteelo, iwm. Waxaa kafaala qaada oo maalgalisa dhamaan hawlaha loogu gogol xaadhayo munaasabadan caalamiga ah kolba dawlada Marti qaada.



Aan daboolka kaqaadee! Hadaan kaaga dhaco dulucda qormadan, waa ciyaaraha koobka adoonka oo laqabto afartii sanoba mar, ayaa wuxuu soo wareegaba wareegiisii 2022 dul hoganaya dalka Qatar.

Dalka qadar ayaa nasiib u helay inuu noqdo dalkii carbeed e ugu horeeyay abid ee Marti qaada ciyaaraha koobka aduunka. Tani waxay kadhigantahay guul usoo hoyatay dhamaan dalalka carabta, waxaana ka muuqata inay reer galbeedka ku qanciyeen in sawirka ay ka haystaan carabta oo ah inay xagjir yihiin, ama argigixiso uu yahay been abuur , dunidana ay ka Gali karaan kaalinta kaga aadan .




Sidoo kale munaasabadan ay dunida oo dhami isha ku hayo waxay sawir qurxoon u gudbinaysaa jiilka soo kacaya ee da'a yarta ah, kuwaas oo aamini doona ilbaxnimada iyo furfurnaanta dadka carbeed ee islaamka ah.

Waxay fure unoqonaysaa is dhaxgalka bulshada noocyaheeda kala duwan taasoo kor u qaadaysa iskaashiga ka dhaxeeya qaybaha kala duwan ee bulsha ku kala nool Dunia daafeheeda. Waxaa kaloo looga faaidaysan karaa soo celinta kalsoonida iyo isdhaxgalka dadwaynaha kala isirka ah.


Inkastoo aanay carabtu si fiican oga dhaxmuuqanin horyaalada caalamka e la xiiseeyo , islamarkaana aanay kujirin kuwa loo hanwaynyahay xulalka ka soo jeeda dalalkan ee uga qaybgalaya ciyaraha world cup ee sanadan 20122 ee lagu qabanayo Qatar islamarkaana hadal hayntooduna yartahay, waxaa lafilayaa inay taageero macnawi ah, iyo mooral siinayso xulalka ka qayb galaya , taaso lagayaabo inay wax kabadasho qaab ciyaaroodkoodii, maadama ay gurigoodii tahay goobta lagu ciyaarayo. Waxaa dhaba inay muujin doonaan carcar horleh "mukulaal mimnakeedii joogtaa miciya aarbay leedahay".



Kulan ciyaareedkan ayaa kulmin doona, foodana isku dari doonaan hadii alle idmo, kooxo xirfadooda leh oo ka kala socda dalal farabadan, waxaa kasoo muuqan doona, xidigo aan kola laga waayin samada ciyaaraha kubada cagta, laacibiin caan ah oo lagu bartay , horyaalada ugu waawayn ee laga xiiseeyo dunida oo dhan iyagoo wajigii lagu yaqaanay iyo finaanadii lagu bartayba soo badashay doorkan, si uu u matalo dhalashadiisa dhabta ah, wayna intoodabadan kamid noqonayaan xulka u matalaya dalkooda tartanka koobka aduunka ee sanadan 2022 ka dhacaya dalka qatar.

Tartankan waxaa ka qayb galaya 32 xul-qaran, 64 kulan , ciyaarahan ayaa kadhici doona  8 garoon kubadeed.


Koobka aduunka dalkii ugu horeeyay ee lagu qabtay



Ciyaaraha Olympic -da