Ilmahaagu dareenkiisa ha cabiro

Dhageysiga Ilmahaaga

inteena badan La xiriirka carruurteenna waxay noqon kartaa hawl adag mararka qaarkood.  Waxaan dareemaynaa inaysan iyagu na dhageysanaynin; waxay dareemayaan inaynaan dhageysanaynin iyaga.  Dhageysiga wanaagsan iyo xirfadaha isgaarsiinta ayaa muhiim u ah waalidnimada guuleysta.  Dareenkaaga cunugga, aragtida iyo fikradahaaga ayaa mudan, waana inaad ku dadaashaa inaad waqti la qaadatid isla markaana aadla fadhiisato oo aad si furan u dhageysato oo aad si daacad ah ugala hadasho dareenkiisa ku aadan ilmahaaga.

Waxay umuuqataa inay tahay dabeecad dabiici ah oo jawaab celin ah halkii laga jawaabi lahaa.  Waxaan u gudbineynaa xukun ku saleysan dareenkeena iyo waaya aragnimadeenna.  Si kastaba ha noqotee, ka jawaabista macnaheedu waa in la aqbalo dareenka iyo shucuurta ilmaheena oo loo oggolaado inay naftooda u muujiyaan si furan oo daacad ah iyagoo aan ka baqaynin dib-u-eegis annaga naga timid.  Markii aan ka jawaab celineyno, waxaan u diraynaa ilmaheena farriinta ah in dareenkooda iyo fikradahooda aysan ansax ahayn.  Laakiin adoo ka jawaabaya oo weydiinaya su'aalo ku saabsan sababta ilmuhu u dareemayo habkaas, waxay furaysaa wada hadal u oggolaanaya inay ka wada hadlaan dareenkooda, waxayna kuu oggolaaneysaa faham wanaagsan oo ku saabsan halka ay ka imanayaan fikradaha ka guuxaya maskaxda ilmahaaga.  Jawaab celinta ayaa sidoo kale ku siineysa fursad aad kaga shaqeyso xalka ama qorshe ficil ah oo uu u baahanyahay cunuggaaga oo laga yaabo inaysan kaligood la imaan karin.  Ilmahaagu sidoo kale wuu qaddarin doonaa xaqiiqda ah inaad runtii fahanto sida ay dareemayaan.

Waa muhiim xaaladahaas in la siiyo cunuggaaga feejignaan buuxda oo aan la soo koobi karin.  Hoos u dhig wargeyskaaga, jooji sameynta sawaxan marka aad la sheekaysanayso ilmaha, ama dami telefishanka si aad u maqashid jawaabta buuxda oo aad diirada u saartid fiiro gaar ahn a ugu yeelatid cunuggaaga.   Is deji, is-weydiin, ka dibna u soo bandhig xalka suurtagalka ah ee dhibaatada.

Ha ka niyad jabin cunuggaaga inuu dareemo xanaaq, ama aad kala kulanto falcelin dagdag ah, ama jahwareer.  Dareenkeena bilowgaba wuxuu noqon karaa inaan nidhaahno joog, ama aan qaadno talaabo aan oga fogeynayno ilmaheena fikrad mucayan ah, laakiin tani waxay noqon kartaa xeelad xun.  Mar labaad, dhageyso cunuggaaga, weydii su'aalo si aad u ogaato sababta ay sidaas u dareemayaan, ka dibna u soo bandhig xalal suurtagal ah si loo yareeyo dareenka xun.

Sida aan annaguba nahay, carruurteennu waxay leeyihiin dareenno waxayna la kulmaan xaalado adag.  Adigoo si firfircoon u dhageysanaya lana qaybsanaya cunugaaga dareenkiisa markay ka hadlayaan, waxaan u muujineynaa inaan danaynayno, oo aan rabno inaan caawinno oo waxaan leenahay khibrado la mid ah oo aan iska soo qaadan karno.  Xusuusnow, ka jawaab - ha samayn wax falcelin ah.