Bilaha af soomaaliga ah iyo ayaamaha


 Bilaha af soomaaliga ah iyo ayaamaha



Waxaa jira aqoonyahano soomaaliyeed oo si iskooda iyo si abaabulanba dadaallo u samaynaya iyo daraasaad ay ku rabaan inay ku hir galiyaan eray bixin ku saabsan bilaha, kuwaas oo lasheegay in dhawaqoodu noqon doono af soomaali, halkii ay awal bulshada soomaaliyeed tirsan jirtay bilaha iyada oo adeegsanaysa magacyo qalaad.

Bilahan af soomaaliga ah ayaa ku cusub bulshada , waana magacyo cusub oo loogu yeeri doono 12 bilood ee sanadka. Anoon kusii dheeraan faah faahinta, iyo ujeedada lagaleeyahay, islamarkaana aan laacin xogta taariikheed ee ku gaadaaman, si aan u xidid raacno asalkii bilahan soomaaliyaysan, iyo meesha ay kasoo jeedaan toona. Waxaan halka kuugu soo bandhigi doonaa magacyada bilahan.




Bilaha sanadka oo afsoomaali ah. 


Bilaha GUga


1.Seerma-weydo (30)

2.Cawl (31)

3.Dirir sagaalaad(30)


Bilaha dayrta

1. Dayr hololeed (30)

2. Gudban (31)

3. Danbasane (30)


Bilaha xagaaga


1. Samalaho (31)

2. Bil karameed (30)

3. Waran-weer (31)


Bilaha jiilaalka 


1. Xays (30)

2. Toddob (31)

3. Diraac (30) 


Kowa kale


1. Kodxin - (September)

2. Dirir - (October)

3. Gudba - (November)

4. Xoorrey - (December)

5. Dharabley - (January) 

6. Cirir - (February)

7. Cuur - (March)

8. Duugato - (April)

9. Miicaad - (May)

10. Agaali - (June)

11. Afagaal - (July)

12. Naaf - (August)


Tirsi kale


1. TODOB                      =JANUARY 

2. XAYS                          =FEBRUARY 

3. DIRAAC                      =MARCH 

4. SEERMAWAYDO        =APRIL 

5. CANDHAQOYS           =MAY 

6. GU,YARE                      =JUNE 

7. XAGAACAD                 =JULY 

8. XAGAAMADAW          =AUGUST 

9. KARAN                 = SEPTEMBER 

10. DAMBARSAME         =OCTOBER 

11. DAYRHALALOOD  =NOVEMBER 

12. DALLAALO            =DECEMBER


Magacyada bilahan Soomaalidu u adeegsato la iskuma waafaqsana, xataa magacyada bilaha waa lagu kala duwanyahay, oo deegaanadu way ku kala tagsanyihiin dabcan.



Magacyada bilaha carabiga oo af soomaali ah

1. Sako

2. Safar

3. Mowliid 

4. 5.6 Sadexda Bilasaman

7.Sabuux

8. Soondheere

9. Soonqaad

10. Soonfur

11. Sidataal

12 Arafo


Qaybaha roobka

Jir

Waa roob aad u wayn oo dhulka xaadhay, waa roob dhulka, dadka, iyo duunyaba, oon Tira,


 Shuuc

Waa roob aan tiixtiixa oo aan wax soo ssar lahayn.



Biya dhig

Waa roob kayar roon shuuca oo aan biya dhaqaaqa oo laagaha roga lahay laakiin qulqul aan badnayn sameeyay.



Ma hiigaan

Roobku da'o wakhti dheer oo shan saac ama lix saac ah.


Gudgudaha: 


Bisha u dambaysa ee Guga ayuu da'aa.


Dirir:


Waa roobka guud ee da'a xilliga Guga.


Tumay


Waa roobka aan daadka lahayn laakiin dhulka ku nagaaday oo rayska hoos ugu dhaadhiciyay dhulka.


Mayay

Waa roobka aroorta hore da'a.





MAALAMAHA OO AF-SOOMAALI AH

Maalmaha isbuuca ee ay soomaalidu adeegsato waxay Marti oga tahay afka carabiga, laakiin waxaa lasheegaa in ay jiraan magacyo ayaamaha loogu yeedho oo afsoomaali ah, in kasta oo aanay isku mid ahayn oo ay kala duwan yihiin.


Waa kowan qaar kamid ah ayaamaha soomaaliga ah iyo siday ugu kala beeganyihiin kuwa carabiga.


Ayaamaha todobaadka oo afsoomaali ah


Daraad tii ka horaysay


Darraad


Shalay


Maanta


Barrí


Saa danbe 


Saakuunta



Tilmaamaha roobka



1. Sade(sabti)  

 2. Carte(Axad)   

3. Uguus(Isniin)   

4. Agaax(Talaado)   

5. Agaal( Arbaco)  

6. Case( Khamiis)  

7. Lamme(Jimce).


Kuwa kale


Sooroga = Sabti


Koobin = Axad


Lammin = Isniin


Lamakoto = Talaado/salaasa


Koodaar = Arbaca


Hakisa = Khamiis


Hakisa Bile = JImce


Maalmo tirsi kale


Cadceeda(Axadda), 

Hobala(Isniin),

Wableey(Talaado), 

Dabra (Arbaco), 

Fabeeleey(Khamiis), 

Dusa(Jimce) iyo 

Diimiley(Sabti),"