Cunsuriyadu waa maxay?


Cunsuriyada ama hayb-sooca


Cunsuriyada ama haybsooc, waa hanaan ay ku kacaan dawladaha qaar, hayadaha, ururada qaar, iyo shaqsiyaad, kaas o ka dhan hayb gooni ah, amaba qoomiyad gaara. Waxaa lagu macnayn karaa in hanaan dawladeed oo dad kawada dhaxeeyaa uu qayb kamida bulshada ula dhaqmo inay yihiin dabaqad ka hoosaysa qowmiyadaha kale ee kula nool deegaanka, iyo hooska dowlada, islamarkaana haybtaas loo gaysto tacadiyo iyo fiquuq muujinaya isir nacayb.



Cunsuriyadu way ka guda balaaran tahay in lagu macneeyo "eex" kaliya balse uu ka guda balaaranyahay taas. Cunsiriyadu waa mid gali karta awood qaybsiga siyaasadeed, cadaladeed, iyo maamul oo lagu saleeyo cirqiga. Iyada oo lagu kala soocayo hanaan qabyaaladaysan. Taas oo xuquuda dadka kale lagu duudsiyayo haday tahay, saamiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo doorkooda bulshoba.


Qabiil iyo qabyaalad aan kala saarno


Waxaa loo qaybin karaa dadka kooxo, qaybintaas oo lagu salayn karo, biology ahaan, taasoo lagu kala qaybinayo, midabkooda, haybta qabiil ee ay kasoo jeedaan, waaxaana loo yaqaanaa "jinsiyad". Waxaad moodaa in ay xoogaa xidhiidh ka dhexeeyo kala duwanaanshaha abtirka, midabka, iyo kala soocnaanta dhaqanka fikirka, iyo akhlaaqda. Maxaa yeelay, dunidan maanata aan ku noolahay waxaa jira umado aaminsan inay dadyawga kale kasareeyaan, iyaga oo u cuskanaya, halbeegyo ay kamid yihiin, midabka, qaabnololeedka, qaarkalana aqoonta ay ku toodhoonayaan oo ay aaminsan yihiin anay dadka kale kaga sareeyaan oo ay inta kasoo hadhay yihiin xayawaan oo kale.


Sidoo kale eraygan ah cunsuriyadu waa dhaqan ka dhax jira, ururada dawliga ah, iyo nidaamyada siyaasiga ah, kuwa dhaqaale, iyo qaanuunka, kuwaas oo ku kaca cunsriyad lagu beegsanayo isla markaan lagu hayb soocayo , isir gaara oo katirsan qaanuun ahaan nidaamka, laakiin hayb ahaan loola dagaalamayo.



Taasina waxay sii dardar galinaysaa sinaan la'aanta qaybaha kala duwan ee bulshada, arintaas oo wiiqaysa in si siman loo wadaago khayraadka, islamarkaana loo sinaado, baahiyaha aasaasiga ah aadanaha, haday tahay tacliinta, daryeelka caafimaadka, xuquuqda rayadka, iyo wixii lamida.


Caadooyin layaable oo kajira dalka hindiya


Cunsuriyadu wali waa mid la fangashay hab nololeedkan casriga ah, waana arin laga dhadhamin karo habdhaqanka qaar kamida hayadaha caalamiga ah. Iayadoo leh wajiyo kala duwan, maraka qaar iyada oo diimaysan halka ay mararka qaar, salka ku hayso, haybsooca, ku dhisan cirqiga, midabka, ambase deegaanka.


Tusaale ahaan, waxay umadaha ku dhaqan aasiya qaar kamida la kulmeen faqiluuq, iyo haybsooc kadhan ah midab kooda ama halka ay kasoo jeedaan juquraafi ahaan maalmihii uu soo baxay caabuqa COVID-19.


Ugu danbayntii waxaa biya kama dhibcaan ah in ay cunsuriyada, iyo haybsoocu uu ku milanyahay dhamaan siyaasadaha hab fikirka, haayadaha, maamulada, iyo nidaam kasta oo ka hor imanaya inay dadku helaan cadaalad iyo xuquuq siman oo xaqsoor ah, iyadoon loo eegin, haybtooda midbka, iyo qowmidaba. Waxana marag madoon ah in dawladaha ilbaxnimada iyo xadaarada maanta inaga gada ay kasoo neefayso nacaybshaha ka dhanka ah diimaha, cirqiyada, fikirada qaarkood, taasina waxay ka hor imaanaysaa aragtidii ay ku andacoonayeen ee ahayd inay xuquuqda aadanaha ka hormariyaan midabka, madhabka iyo diintaba.