Dhakhtarkii ugu waynaa faransiiska ee markuu muslimay ka nexeen galadoo dhan.. moris bukay

 

Dhakhtarkii ugu waynaa faransiiska ee markuu muslimay ka nexeen galadoo dhan.. moris bukay

Dhakhtarkii ugu waynaa faransiiska ee markuu muslimay ka nexeen galadoo dhan.. moris bukay

 

Wuxuu ahaa dhakhtar caan ah oo ay ku dhaartaan reer galbeedku, siiba shacabka ku nool dalka faransiiska. Magaciisu waa moris bukay , wuxuu ku dhashay dalka farasiiska  wuxuuna ku barbaaray diinta kiristanka, wax barashadiisa wuxuu ku qaatay dalkaas wuxuu takhasus ku qaatay cilmiga caafimaadka.

Qisadii islaamidiisa

Waxaa dalka faransiiska loo qaaday maydka fircoon oo ay cod satay dawlada faran siisku in ay cilmi baadhis ku samayso, waxaa laga dajiuyay bakhtiga fircoon gigada diyaaradaha dalka faransiiska, iyada oo loo sameeyay soo dhawayn lamida soo dhawaynta madax waawayn. Kadib markii laga dajiyay  madaarka waxaa loo gudbiyay goobtii loogui talagay in lagu baadho maydkan taariikhiga ah. Meeshaas waxaa ku diyaar ah isla markaana loogu talagay inuu shaqadaas qabto, bucay maris oo ahaa dhakhtarkii xiligaas ugu waynaa uguna aqoonta badnaa. Wuxuu sida caadada u haydba horay kasii bilaabay inuu trashriixiyo maydka. Wuxuuu baadhayaa maaha ruux hada naf baxay iyo mid bu kaan ah toona ee waa mayd kumanaabn qarni ka hor bakhtiyay, hadana wali sidiisii ah. Waa arin la yaab leh!!

 

Moris bukay isagoo iska wata baadhistiisii ayaa wuxuu la kulmay arin layaab ku dhaliyay, wuxuu ka helay fircooon jidhkiisi milix, taas oo cadynaysa in uu ku dhintay biyo, waxaa kalo uu layaabay jidhka biyo milix ah ku dhintay ee hadana aan is badalin. Waxay ku noqotay arintani mucjiso, taas oo aanuu ku arag waxii uu bartay isla markaana uusan wax akhbaar ah oo kusaabsan inuu fircoon biyo ku dhintay ka hayn diinta uu aaminsanaa ee kiristanka.

 

Baadhitaankoodii markay ka dhamaysteen faransiisku waa soo celiyeen maydkii fircoon, laakiin hawshaasi waxay kaga tagtay maskaxda dhakhtar suaalo badan oo hurdada la wadaagay. Sababta ay milixdu u doorin wayday jasadkan, isagoo helay cadaynbta ah inuu bada ku dhintay fircoon, arintaas oo anay ka shaqadhinin marna diinta uu rumaysnaa marka ay ka hadlayso qisadiisa.

Wuxuu isku dayay inuu raad oga helo diimaha, habkii uu u dhintay fircoon.

Wuxuu baadhay bible ka diinta kiristanka, balse inuu dhintay kasokow uu kawaayay wax cadayn ah oo sheegaysa inuu ka badbaaday biyaha. Hadana wuxuu baadhay kutubta diinta yuhuuda balse sidoo kale wuu ka waayay wax cadayn ah oo sheegaysa inuu fircoon ka badbaaday biyaha, fasiraadna kabixinaysa qaabkii uu oga baxay.

Waxay mudo sanada ahayd mid ka dhax guuxaysa maskaxda dhakhtarkan mucjisada uu arkay isla markaana uu wax daliil ah oga waayay labada diimoodba, isagoo qirsan suura gal la`aanta inaanuu ilaahay ka hadlin aayada intaa le`eg.

Markay mudo sanado ah kasoo wareegtay arintaas, waxaa dhakhtarka lagu casuumay kulan cilmiyeed ka dhacay dalka sucuudiga. Waxaa si caadi ah isaga bilaabmay shirkii, aqoonyahano badana waa ka hadleen, markii lasoo gaadhay gabagabadii shirka, ayuu ka sheegay madashii shirkan arintii layaabka lahayd ee uu kusoo arakay jidhkii fircoon. Wuxuu cadeeyay inuu ku arkay raad cadaynaya inuu badda ku dhintay, balse uu ka waayay diimaha masiixiga iyo yahuuda qaabkii uu oga soo badbaaday, taasina ay naqsi ku tahay diimahaas.

 

Marku intaa yidhi ayaa waxaa meesha kasoo kacay wiil yar oo dhalin yaro ah wuxuuna ku dul akhriyay aayadan:

فاليوم ننجيك ببدنك لتكون لمن خلفك آية}

Manta waanu badbaadinaynaa jidhgkaaga si aad aayad ugu noqoto kuwa kaa danbeeya

Xoogaa ayuu madaxa ayuu luxay isaga la amakaagsan sida uu ku ogaaday shaqsi kadanbeyay kumanaan sano dhacdadaas hadaanay xagga aklle ka ahaan, wuxuuna ogaaday in uu islaamku yahay diinta xaqa ah ee ka jawaabi karta suaalaha casriga, isla markaana la jaanqaadi karta halkaasna waxaa kaga hadhay suaaliihii daba jiitamayay ee ay ka jawaabi kari waayeen diimaha kale. Moris bukay wuxuu ku islaamay bartii kuna qaatay diinta islaamka.

Dalka faransiiska iyo guud ahaan bahda wax barashada iyo aqoonyahanada reer galbeedka ayaa aad oga naxay islaamida moris bukay oo liqqi waayay maadaama uu ahaa tiir wayn oo qayb ka ah aqoonta ay ku fanaan iyo ilbax nimada reer yurub ay wada walba lataaganyihiin faankeeda.


Kitaabkii (Torah Bible Quran And Science)ee gil gilay dunida

Moris bukay ayaa qoray buugaag uu kaga hadlayo diinta islaamka iyo culuumta casriga ah, isaga oo isbarbardhig ku samaynaya, diinta islaamka iyo diimaha kale, iyo sida ay ola jaanqaadayaan dunada sriga ah, murtidiina kazoo saaray in ay diinta kaliya ee casrigan la janqaadi karta suaalihiisana ka jawaabi karta ay tahay islaamka oo kaliya. Wuxuu si cilmiyaysan usoo bandhigay

Qoraaladan ayaa uga daraa islaamitaankiisa waxayna isku dayeen inay beeniyaan xaqaaiqda uu soo bandhigay balse isku dayadaas oo dhan waxay ku soo dhamaadeen guul darro.