Qayskii ugu waynaa oo muslimay .. wax ka ogow qisadiisa


Waxaa soo islaamay qayskii ugu waynaa maraykanka 

 

Baryahanba waxaa warbaahinta caalamka haysatay, sheekada qayskii waynaa ee hor joogaha ka ahaa mid ka mida kaniisadaha ugu wayn ee dalka maraykanka. Qayskan soo islaamay ee ka soo diga rogtay diinta kiristan ayaa buuq badan kadhax dhaliyay, qaybaha kala duwan ee bulshada dalka maraykanka. Sodoo kale waxay talaabada wadaadku walaac aad u balaaran ka dhax abuurtay, kooxaha u olaleeya diinta kiristanka.

 

Hadaba yuu yahay wadaadkan kuraasta ku gilgilay madaxya waynta gaalada, maxayse tahay ahamiyada intaa dhan ee uu ugu fadhiyay diinta kiristaanka? Qormadan ayaan kublafa guri doonaa su'aalahaas iyo kuwa kaleba hadii eebaha awooda leh inoo ogolaado.

 

Waxaan ku qaada dhigi doona qormadan  hilarion heagy oo ahaa qays wayn islamarkaana ku nool dalka maraykanka sumcad sare ku dhax lahaa hogaaminta diimeed ee kiristaanka oo la sheegay in uu dhawaan ka soo diga rogtay diintii uu haystay ee kiristaanka, qaatayna diinta suuban ee islaamka.

 

Hanuunka qayskan ayaa ka farxiyay muslimiinta ku kala nool daafaha caalamka, iyagoo ku soo dhaweeyey wlaalkoodan cusub takbiir iyo taxmiid. Dhanka kale waxaa jira kooxo isku dayaya inay beeniyaan warkaas kuwas oo u badan hayadaha war baahinta reer galbeedka, oo ay ku noqotay falaadh xanuun badan islamarkaana isku dayaya inay ka hor tagaan saamaynta wayn ee ay ku yeelan karto arinta qayskani dadka aaminsan masiixiyada.

 

Hadaba maxay tahayqisada kadanbaysay islaamitaanka qayskan wayn maxayse tahay arintaku dhalisay inuu qaato diinta islaamka? Arimahaas kuwa kaleba waxaan kaga bogan doona qormadeenan in ka dhiman.

Horta waa kuma  hilarion heagy?

hilarion heagy waa qays ameerikaan ah, wuxuu ku dhashay dalka hangari sideetameeyadii qarnigii tagay, wuxuuna hana qaadkiisi u xadhka xidhay barashada diinta masiixiga, isagoo horjooge ka noqday kaniisada madhabta orthodox – ga ilaa laga soo gaadhay sanadii 2017 dii xiligaas oo u  oga gudbay kaniisada catholic –ga.

Sida uu sheegay hilarion heagy cayntiisu wuxuu mudo dheer daraasad ku samynayay diinta islaamka, isagoo akhriyay culuumta islaamka qaybeheedakala duwan,waxaa kaloo uu ku taqasusay cilmiga physics – ka wuxuuna ahaa nin wax ka qoray labadaba. Waxaa lasheegay in uu ahaa shaqsi jecel inuu wax walba si dhaw ola socdo isla markaana wax ka ogaado, taasina waxay u suura galisay inuu noqdo ruux wareega dalalka dunida si  uu wax uga barto isuga dadka wax u baro, diimaha kalena wax ka ogaado.

Asbaata horseeday inuu islaamo hilarion heagy

Sida uu laftiisu ku sheegay bogiisa, kaas oo u ku qoray maqaal dheer oo uu ka diyaariyay qaabkii uu u islaamay wuxuu ku sheegay, kadib markii uu soo galay diinta islaamka inay kusoo butaaceen kumanaan fariimood iyo teleefano tira badan oo anu awoodin inuu dhamaantood kawada jawaabo sidaa darteedna uu go`aansaday inuu hal mar uun kawada jawaabo suaalaha ku saabsan qaadashadiisa diinta islaamka.

Wuxuu sheegay hilarion heagy inay muhiim tahay inuu sharaxaad ka bixiyo habkii uu diinta islaamka ku soo galay, iyo asbaabtii ka danbaysay inuu qaado talaabadaas, isagoo raaciyay inaanu soo koobi Karin dhamaan astaamaha wanaagsan ee tira beelka ah eek u jira diinta islaamka, maxaa yeelay waa diin  leh falsafad iyo aqoon xeel dheer , in kastoo uu mudo 20 sano ah darsayay diinta islaamka wuxuu sheegay inuu wax badan ka dhimanyahay oo la xidhiidha aqoonta ku duugan diinta islaamka ee wayn, waa siduu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sheegay hilarion heagy in dhaxgalka culuumta diinta islaamka iyo inuu wax ka ogaado ay sabab u ahayd kutubta loo turjumay afka ingiriisiga oo ay u fududay inuu fahmo, taasina waxay u sahashay inuu wax badan ka ogaado diinta islaamka, markii danbana wauu dhab u ogaaday in culuumta inteeda badan lagasoo xigtay muslimiinta o loo turjumay kaliya luqadaha qalaad, asalkooduna ku qoraa afka carabiga.

Wuxuu soo bandhigay hilarion heagykutub uu sheegay inay ahaayeen kwii ugu wanaagsanaa ee ka siiyay islaamka fikrad wanaagsan, una fududeeyay una fududeeyay inuu wax wayn ka fahmo mabaadiida diinta islaamka , shareecada, caqiidada iyo dhanacyo kale, waana sababta ka danbaysay inuu soo galo xerada nabad galyada ee islaamka.

The clear quran

Wuxuu sheegay hilarion heagy in uu arkay turjumaado badan oo ku qoran luqada ingiriisiga oo lagu fasiray quraanka kariimka ahlakiin ka iigu saamaynta badnaa ayaa ahaa turjumada (the clear quran) waana mid kulansatay cadaynta macnaha aayada iyo fahamsiinta, qofka aan carabiga ku hadal.

islam and the destiny of man

Sidoo kale wuxuu sheegay in aanu arag kataab lamida buuga lagu magacaabo (islam and the destiny of man) kaas oo uu ku amaanay, inuu yahay buugaagta islaamka ka hadasha ee afka qalaad ku qoran ka ugu wanaagsan islamarkaana uu ku talinayo in la akhriyo.

The heart of islam

Wuxuu hilarion heagy cadeeyay qiimaha uu leeyahay buugan lagu magacaabo (the heart of islam) oo ka mid ah asbaabaha ugu waa way nee u soo hogaamiyay xagga diinta islaamka, wuxuuna sheegay inuu yahay furaha qof walba oo doonaya inuu wax ka ogaado diinta islaamka, maadaama ay qaraxyadii 11 September ee ka dhacay dalka maraykanka ka dhigtay dadka reer galbeedka kuwa ka aaminsan islaamka qalad iyo inuu yahay islaamku diin argagixiso ah, oo dhiiri galiya nacaybka dadka kale ee diimaha kale aaminsan.

hilarion heagy wuxuu tilmaamay inuuu buugani soo bandhigayo xaqiiqada diinta islaamka, iyo ujeedada iimaanka wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa buugtii ugu horeesay ee uu akhriyay si uu wax oga ogaado diinta islaamka.

Mohammad: his life Based on the Earliest Sources

Wuxuu sheegay hilarion heagy inuu tix raac ku sameeyay ilo badan oo ku saabsan nolashii nabiga(naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) isla markaana uu dhagaystay cajalado badan oo ay culimo waawayn kaga hadlayaan isla mawduucaas, laakiin buugan ayaa haa mid ugu muhiimsanaa ee uu ka helay baadidiisii.

Wuxuu sheegay inuu martin lings oo ah qoraaga buugan yahay qofkii ugu wanaagsanaa ee wax ka qora siirada nageena suuban (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) isla markaana lagu qoro luqada ingiriiska.

Cajaladaha sheikh hamza yousuf

Sheikh xamza yuusu waa sheikh caan ka ah wadamada reer galbeedka waana daaci wayn, waxaa laga duubay cajalado fara badan oo muxaadarooyin ah, waxayna qayb ka ahaayeen sida uu caynayo hilarion heagy  waxyaabaha saameeyay, gaar ahaan silsilada uu siirada xabiibka (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee).

Ilahay waxaan ka baryayna inuu inuu hanuunka uu nasiiyay na daaimiyo, diinta islaamkana nagu sugo, iyadana nagu nooleeyo naguna dilo.