Qiso Ninwalba ar saaqda meelbaa loosoo mariyaa.

 

Qiso Ninwalba ar saaqda meelbaa loosoo mariyaa.

Baribaa waxaa israacay afar nin oo wada qaaday jid, mid waxaa lagu magacaabi jiray: ina boqor, kalabaadna: ina ganacsi,   kasadexaadna: ina shariif ka afraadna ina xoogsade. Waxay socdaanba waxaay galeen dhul shisheeye ah oo anay cidna ka oqoon, mana haystaan wax sahay ah habayaraatee oo dhaafsan maryahay xidhan yihiin, iyagoo aad udaalan , kadibna waxay iswaydiiyeen sideebaa arsaaqda lagu helaa?, halkeese loomaraa? Midwaliba halkuu uga bartay ayuu ku dhuftay,   waxaa ugu hor hadlay ina boqor oo aaminsanaa inay arsaaqdu tahay qadar iyo qoraal oo yidhi:    waa qadar iyo qoraal eebe sikale laguma gaadho.

Waxaa ku xigay  inataajir oo caqli iyo maskax aaminsanaa  oo yidhi oo yidhi: maahee waxaa lagu helaa caqli iyo xeel.

Waxaa sookacay ina shariif oo quruxbadnaa oo yidhi : wajibaa lagu helaa.

Waxaa soo kacay ina xoogsade oo shaqo aqoona ahaa oo yidhi: waxaa lagu helaa xoogsi, iyo inaad tunkaaga ku xamaashid.

Iyagoo arintaaas kumurmaya ayay waxay soo gaadheen magaalo yar, kadibna meel akteeda ahbay dageen ,markaasay goaansadeen, inuu nin waliba maaalin u doono cunto isagoo adeegsanayo, wadadii uu aaminsanaa inay arsaaqdu soo marto.

Maalinkii 1aad ayaa kusoo hagaagtay ina xoogsade, wuxuu udhaqaaqay xagii magaalada dadkii magaalada kunoolaa ayuu waraystay shaqo ay mushqaayadeedu ku finkarto afar nin. Waxaa loo sheegay inuu soo xaabaysto wuu tagay xaabuu soo guray magaaladiibuu keenay kadibna uu iibsaday waxaa laga siiyay ganbo lacag ah, wuxuu ku iibsaday raashinkii kufilaan lahaa maalinkaa isaga iyo saaxiibadii, markuu kasii baxayay magaaladii ayuu albaabkeeda ku qoray:(hal maalin uu dhidido uu xamaashaa waxay goysaa ganbo)

Waxaa yimid maalinkii ina shariif oo aad uquruxbadnaa, markuu magaaladii galay ayuu isla hadlay isagoo leh  waakanoo wax xirfad ah ood ku shaqaysto mataqaanide seed yeeshaa, oo yaxyaxsan oo garan la`a wuxuu saaxiibadii kula laaban lahaa, ayuu dharka saaray darbi hadaba isgoo darbigii ku tiirsan oo maaminaya halkuu udooni lahaa wixii laga rabay unbuu yara gam`ay, intuu hurday ayaa waxaa soo dul maray nin farashaxamaysta ah oo kuwan wax sasawiro kamida, wuxuu ladhacay quruxda ninka darbiga kugama`ay islamarkiiba wuxuu sawiray qaabkiisii markuu saa usoo kacayna wuxuu siiyay 100  ganbo isna ituu ku adeegtay ayuu markuu siibaxayay albabkii magaalada kuqoray:(quruxdu maalinkaliya waxay goysaa 100 ganbo) 

Waxay soo gaadhay kaayihii ina taajir oo caqli iyo xeelad badnaa.   Isna uu dhaadhacay magaaladiibuu tagay wuxuu lakulmay dooq badeeco keentay , markaasuu maqlay ganacsatadii magaalada oo kutashanaysa inay mudo ukaadiyaan si ay hadhaw markay baarto qiimo jaban usiistaan, ina taajir wuxxu utagay doontii wuxuuna kula heshiiyay qiimahay siinayeen mid kabadan wuxuu iskadhigay inuu magaalo kale gaynayo , waxaa sheekadii maqlay ganacsatadii markaasay usoo kala badiyeen isagee oy ku baryeen qiimo inatay badeecadu ahay kun ganbo dheer, markaasuu ituu ukala gaday isana qaatay kunkii saaraa qiimaha. Kadibna intuu ku adeegtay ayuu makuu kasii baxayay magaalada albaabkii ku qoray:(caqliga iyo xeelado maalinqudha waxay gooyaan 1000 ganbo).

Waxaa yimid doorkii ina boqor oo rumaysnaa in risiqu yahay qadar iyo qoraal.

Markuu makaaladii tagay ayuu lakulmay magaaladii oo boqorkeedii dhintay, dodkii magaaladuna ay raadinayaan cidii badali lahayd boqorkii dhintay, wixii laraadiyaba waxaa arkay niman yaqaanay isaga oo ogaa inuu isagu bortooyada lahaa balse horoy u walaalkii ugadhacay isna uu kabaxsaday markuu kayaabay inuu dhib ugaysto uu dilo, waxayna isla qaateen inaan wiilkan wiil aan ka ahayn lacaleemo saarin halkiibaana lagu doortay, markaasuu isna kuqoray:(dadaalka, iyo quruxda iyo caqliga iyo waxwalba uu qofku kala kulmo dunida khayr iyo sharba ogow inay qade iyo qadar xaga rabe ka ahaaday tahay)