4-ta nooc ee ey aqoonta dadku u kala baxdo


4-ta nooc ee ey aqoonta dadku u kala baxdo

Sida laga wariyey Imaam Khaliil Binu Axmed, Si kooban dadku afar bay u kala baxaan :- 


1- Qof aqoon leh, ogna in uu aqoon leeyahay: kaasi waa Caalim/Aqoonyahan ee wax waydiiya.


2- Qof aan aqoon lahayn, ogna in uusan aqoon lahayn: kaasi waa jaahil ee waxbara.


3- Qof aqoon leh, lkn aan ogayn in uu aqoon leeyahay: kaasi wuu is ilowsanyahay ee baraarujiya. 


4- Qof aan aqoon lahayn, lkn isku qaba in uu aqoon leeyahay (Jaahil isku qaba aqoonyahan): kaasi waa qof isla weyn ee ka carara. 


Kan ugu dameeya ee 4aad waxaa lagu magacaabaa”jaahil murakab”, qofka noocaas ah waa sun waxaana haboon in naftiisa iyo bulshadaba laga badbaadiyo. 


Fiicnaan lahaydaa in qof walba wuxuu aqoonta u leeyahay uu ku ekaado si loogu ixtiraamo loogana dambeeyo, haddii sidaasi dhici lahayd waxba ma halaabeen oo Nagama Xumaden


Haddii fiqi masaladii cilmiga mid uga sheekeeyo,uu dhaxalka ruuxii mutiyo marinka weydaarsho Isagaba naflaha meesha yaal baa ku maadsada.


Qalinkan fursada heliin jiilka wacyiga

Ased Ibnu Sayid Cumar Dubangadi