dhoodaan gabaygii dhugasho

 

Gabaygan waxaa la yidhaahdaa dhugasho, waana mid ka mid ah maansooyinkii uu curiyay allaha u naxariistee abwaankii waynaa ama qaryaankii soomaaliyeed ee cabdullahi maclindhoodaan, aansadan ayaa la sheegay inuu tiriyay abwaanku markay taariikhdu ahyd 1972-dii[1]



Soomaalidaan dhiidhiyay, ugu dhamaynaayey

Dhan kastaba ha joogtee dadkaan, dhiirigelinayaayey

Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey

Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey

 

Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe

Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e

 

Shaydaankay dheesha u tumaan, wuu dhakaandhabiye

Umaddan dhabaalyeyn jiree, aan u dhawaaqaayey

Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee

 

Dhaqankiyo asluubtaan macanaha, kugu dhansiiyaaye

Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne

Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay

Dhinacyada hadduu kaaga jiro, nacab ku dhaylyaaya

Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya

Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo

Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane

Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e

 

Markaad hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna

Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheef ka raadsade e

Macnuhu waa dhiggaa lama beryee, ceeb ka dhawrsade

 

Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda

Wax dhulkeena lagu dheehay oo, dheeriyaa badane

Inkastoo dhallaan iyo gabow, ciidda lagu dhaarto

Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu, wali ku dheereynin

 

Dhallinyaradii aan sheegaayiyo, taan dhegaabinayey

Maskaxdaa dhan hadalkiina, way dhihi yaqaaniine

Dhimir iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne

Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dheygagiye

Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye

Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane

Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay

 

Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye

 

Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana

Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye

Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye

 

Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

 

Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane

Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso

Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne

 

Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waysku dhoon kaniye

Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe

Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaaliyine

Ruuxii i dhageystow macnihii, waan ku dhaadhicine

Cudurada wax dhaawaca jirrada, lala dhukaamayo

Ee sida dhinbiilaha dabka ah, kaga dhagsiinaysa

Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa

Oo inuu dharkaba kaa furtiyo, dooni dhaxalkaaga

Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele

Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro e

 

Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa, taaba maan dhuganno

Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye

Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir soo hoorsho

Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka

Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo buuxsho

Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo

Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene

Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda

Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho

Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye

Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa

Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana u geeyo

Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo buuxsho

Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye

Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo

Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo

Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo

Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo

War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro

Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho

Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno

Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo

Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto

Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey

Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash! kaga siiyo

Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye

Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa

Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline

Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?[2]

 



[1] (boggasuugaanta)

boggasuugaanta. (n.d.). Retrieved from doollo: https://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/dhugasho.htm

 

[2] (boggasuugaanta)

boggasuugaanta. (n.d.). Retrieved from doollo: https://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/dhugasho.htm